Salaan ka dib, goobtan waxaan furay sannad iyo badh ka hor si aan wax uga qoro tixda iyo tiraabka oo ah qaybaha guud ee ay u kala baxdo suugaanta Soomaalidu. Isla markaana waxaan maanka ku hayey inaan arrimahaas halkan kula gorfeeyo dadka xiiseeya , anigoo gaar ahaan rajeynaya inaan aqoon korodhsi ka helo ragga iyo dumarka ruug-caddaaga ah ee ku xeesha dheer maansada iyo mawaadiicda la xidhiidha. Nasiib darro, waqti xadiddan iyo xiise xayuuban awgood waanba ilaawey inaan ardaagan unkay, ooddiise weli ku awdan tahay!
Waayaha dulqaadka le
wararkayga lagu sii
weedhaydu kuu timi
waa nabad alooskeed
wasalaamu calaykum
Waayaha dulqaadka le
wararkayga lagu sii
weedhaydu kuu timi
waa nabad alooskeed
wasalaamu calaykum
Intaynu isu samrayno, dhegeyso ama akhri gabaygii Hadraawi ee Daba Huwan oo ka kooban 100 tuducood ku dhowaad iyo in ka badan 800 oo beyd.